Ra’iisul Wasaaraha Xukuuumadda Soomaaliya oo Magacaabay Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa.


(Royaltv)Waxaan maanta soo dhameystirnay xubnihii Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa si ay u howlgalaan.

17kii November 2011 ayaa golaha wasiiradu waxey ansixiyeen in dib loo cusbooneysiiyo sharciga Law no. 10 ee 1968 ee lagu aasaasay Xafiiska La Dagaalanka Musuqmaasuqa.

Guddigan ayaa la filayaa inay dar-dar geliyaan la dagaalanka musuqmaasuqa oo qeyb weyn ka ah maamul wanaaga aan in muddo ah soo wadnay, si loo ilaaliyo hantida qaranka, isla markaana faa’iidooyin badan ku soo kordhinaya dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xasilinta dalka.

Maamul wanaaga ayaa waaa ka mid ah hannaan hufnaan ku dheehantahay (Transparency), isla xisaabtan (Accountability), iyo inaan la nimaadno herka ugu sareeya ee dhowrsanaanta (integrity).

Guddigan waxaa laga rabaa inuu wacyigelin badan u sameeyo shacabka oo looga digo musuqmaasuqa oo runtii dib-u-dhac u keena bulshadii aan la dagaalin.

Guddigan waxaa laga dalbanayaa inay horumarin ku sameeyaan shuruucda la dagaalanka musuqmaasuqa, soona dhameystiraan aasaasida Hay’ad Madaxbannaan muddo 60 cisho ah, si loo sharciyeeyo hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddigan waxey ku soo tooseen xilli wanaagsan oo Dowladdu ay ku howlantahay maamul wanaag, horumar ballaaranna ka sameysey dhankaas iyo iyadoo ay Wasaaradda Maaliyaddu ku howlantahay dhaqangelinta ururinta canshuuraha.

1. Shamso Ibraahim Maxamud

2. Najma Jaamac

3. Cabdirizaaq Nuux Xasan

4. Khadra Maxamed Ciise

5. Maxamed Barre Kuusow

6. Suleymaan Yuusf Cilmi

7. Xuseen Qaasim Yuusuf

8. Ibraahim Macallin Xuseen

9. Haadi Cumar Cabdullahi