Mareykanka oo Xoog ku Furtay Shaqaale Ajnabi ah oo Koox Burcadbadeed u Afduubnaa.


(Royaltv)Diyaaraddaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa xalay weerar qasaare geystay ku qaaday kooxo burcad badeed heystana Laba qof oo Ajaanib ah waxaana weerarkaasi lagu soo furtay raggii Ajaanibta ahaa ee afduubnaa.

Weerarkaan ayaa lagu soo waramayaa in ay fuliyeen diyaaraddaha Qumaatiga ukaca ee la yiraahdo Helicopter-ka oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

diyaaraddahas oo weerarka ka fuliyay deegaan ku yaala xadka ay wadaagaan gobollada Galgaduud & Mudug oo lagu magcaabo Hiddidaale, halkaasi oo la sheegay in qasaaro loogu geystay kooxaha burcad badeedda.

Ugu yaraan Siddeed ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, iyadoo dadka deegaankuna ay ku soo waramayaan in ay arkeen dhaawaca Hal ruux oo ka tirsan burcad badeedda, dhanka kale diyaaradaha weerarkaasi fuliyay ayaa la sheegay in illa shalay ay ku sugnaayeen Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaa oo gaarayay illaa 10- diyaaraddood.

Xogta la helayo ayaa muujineysa in inta uusan dhicin weerarka lagu soo furtay Labada qof ee Ajaanibta ah in burcad badeedda loo adeegsaday waxyaabo Kiimiko ah oo maandooriyay raggii burcad badeedda ahaa.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanka Hiddidaale ay haatan ka taagan tahay xaalad cabsi leh, iyadoo halkaasi laga bad baadiyay rag ay muddo gacanta ku hayeen burcad badeedda Soomaalida, kadib markii ay weerar ku qaadeen diyaaraddaha dagaalka ee dowladda Mareykanka.