Wafdi ka socday Dowladda Uganda ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.


(Royaltv)Wafdi ka socday Dowladda Uganda oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay madaxda Dowladda

Wafdigaasi oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha dibadda Uganda Oriemo Okello, Taliyaha guud ee ciidamada Uganda Gen. Katumba Wamala, Taliyihii hore ee ciidamada Amisom Nathen Maguusha, Safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dalkaasi, waxaana garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda dekadaha.

Wafdiga ayaa soo dhaweynta kadib loo gelbiyay dhanka dugsigii tababarka Ciidamada Xalane halkaas oo wasiirka arimaha dibadda Uganda iyo wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ay salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom, iyagoo mid mid u gacan qaaday saraakiisha ciidamada Amisom ee ku sugan halkaasi.

Wafdiga ayaa xarunta madaxtooyada qaranka waxa ay kulamo kula qaateen Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyagoo shir jaraa’id oo ay qabteen kulanka kadib ku sheegay in ay madaxda kala hadleen sidii shirka ka dhacaya London looga qeybgeli lahaa, xoojinta xiriirka Labada dal iyo arimo kale, waxeyna sheegeen in wafdigasi uu joogi doono muddo Afar maalin ah.