Whitney Houston oo geeriyootay.


(Royaltv)Gabadha heesaaga iyo jilaaga ah ee u dhalatay Mareykanka, Whitney Houston ayaa geeriyootay iyada oo 48 jir ah.

Shaqaalaha caafimaadka ee deg degga ah ayaa loogu yeeray qol ay ka deggeneyd hotelka Beverley Hills, wax yar kadibna waaa lagu dhawaaqay inay geeriyootay.

Houston waxa ay duubtay heesaheedii caanka ahaa 1980 ilaa sagaashameeyadii, laakiin markii danbe waxa nolosheeda hareeyay daroogo iyo aakahool.

Aasaasihii Motown, Berry Gordy, ayaa sheegay in ay ahayd qof cajiib ah, oo aqoonteeda iyo jacaylka ay u qabtay muusigga uu ahaa wax weyn.

Heesaa caana ah Aretha Franklin oo ay aad u ixtiraami jirtay ayaa sheegtay inay aa uga naxday warka ku saabsan geerideeda.