
(Royaltv)Duhurnimadii maanta ayaa maqaayad ku taala banaanka hore ee madaxtooyada qaranka waxaa isku qarxiyay qof naftii halige ah waxaana halkaasi ka dhacay qarax aad u weyn oo geystay waxyeelo kala duwan.
Waxaa la xaqiijiyey in goobta ay ku geeriyoodeen Laba qofood oo mid ka mid ah uu yahay qofkii naftiisa haligay ama goobta isku qarxiyey halka qofka kalena uu yahay qof rayid ah oo maqaayada shaah ka cabayey ayadoo dhaawacuna ilaa Lix ruux gaarayo.
Afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ahna taliyaha qeybta C.I.D. Gaashaanle Sarre Cabdulaahi Xasan Bariise oo saxaafadda kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dadka goobta wax ku noqday ay yihiin dhammaantood dad rayid ah oo maqaayadaas fadhiyey halka dhimashaduna ay tahay oo qura Laba ruux.
Dhawaqa qaraxan ayaa waxaa laga maqlay inta badan Muqdisho, iyadoo uu kusoo beegmayo iyadoo dowladda KMG ah ay sheegtay inay gabi ahaan gacanta ku hayso xarunta Soomaaliya ee Muqdisho oo ay sannadkii hore ku dagaalamayeen xoogagga Al-shabaab oo ku biiray Al-Qaacida.



