
(Royaltv)Dowladda Holland ayaa sheegtay in dib ay uga laabatay in Soomaalida dalkaasi ku nool dib loogu soo celiyo Soomaaliya kaddib dadaal dheer oo ay u galleen hey’addaha xaquuqda adaanadaha u doodda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Holland.
Cali Waare oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee dalka Holland ku nool ayaa saxafadfa u xaqiijiyay in shalay Wargeysyada ka soo baxa dalkaasi in lagu soo daabacay in dowladda Netherland ay ka laabatay go’aankii ku aadanaa in Soomaalida dalkaasi ku sugan dib loogu celiyo.
Arrinta ku aadan in dowladda Holland ay ka laabatay in Soomaalida dalkooda dib loogu celiyo ayaa timid kaddib dadaal dheer oo ay si wadajir ah ugu galleen Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iyo mid ka mid ah hey’adda Xuquuqda aadanaha u doodda, iyadoo maxkamadda dalkaasina ay go’aan cad ka soo saartay sida uu mar kale inoo xaqiijiyay cali waare.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Netherland ku nool ayaa walaac ka muujiyay in dib loogu celiyo dalkooda, maadaama dalka ay xaalad adag ka jirto, waxaana hadda dib u soo laabtay rajada Soomaalida dalka Holland.



