Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay Xuska Aasaaska Booliiska Somaliland –

26-Nov-2015-Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Safiirkii hore ee Dowlada Soomaaliya u fadhiyay Dalka Masar Marxuun Cabdullahi Xasan Maxamuud, oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno kale oo katirsan Labada Golle ee Dowlada Federaalka ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxa ay salaada Janaasada kula dukadeen Meydka Marxuun Cabdullahi Xasan Maxamuud.

Allaha u Naxariistee Marxuunka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Magaalada Muqdisho, waxaana Geerida Safiirkii hore ee Dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar ka tacsiyadeeyay Madaxda sare ee Dowlada Soomaaliya.

marx_3

marx_4

marx_5

marx_6

marx_7