Baarlamaanka Puntland oo Su’aalo weydiiyay Madaxweyne C/wali Gaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Furay Kalfadhiga 38-aad ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.

Xildhibaanada Maamulka Puntland ayaa Su’aalo weydiiyay C/wali Maxamed Cali Madaxweynaha Puntland,Su’aalahaas oo la xariiray Dagaalka Gaalkacyo,Qabsashada Qandala iyo Safarada Madaxweyne C/wali Gaas iyo Arrimo  kale.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa isla maanta u Duulay Wadanka Imaaraadka Carabta,waxaana halkaas ka dhacaya Shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.gaas