Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland ka socota oo Maanta la soo Afjarayo

Guddiga Doorashada Dadban ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay soo gaba gabeynayaan Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub ka soo galaya Degaanada Jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashadu ay hadda mareyso Heer Gaba gabo ah islamarkaana ay harsan yihiin oo kaliya illaa Saddex Kursi Maantana la dooran doono Kuraastaas Saddexda ah.

Jubbaland ayaa noqoneysa Maamul Goboleedkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa inuu soo afjaray Doorashada Aqalka Hoose,iyadoo 7 Cisho ay naga xigto xilliga loo Asteeyay in ay dhacdo Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya oo ah 30-ka November.

Doorashada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Dadka ka soo jeeda Degaanada Somaliland ayaan weli bilaaban,waxaana laga Cabsi qabaa in ay dib uga dhacdo Doorashadu Xilligii lagu sumaday.