Maxkamadda Gobolka Banaadir oo loo Magacaabay Guddoomiye KMG ah

doorashoGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir si KMG ah ugu Magacaabay Dr Aweys Sheekh C/llaahi Weheliye.

Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu si KMG ah Shaqada uga Joojiyay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa 6 Bishii September ee Sanadkaan Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aan Qofna Xilka laga qaadi karin lana Magacaabi karin inta lagu guda jiro Xilliga kala guurka.