Golaha Ammaanka oo Cunaqabatayn saaray Eriteria.

(Royaltv)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa adkeeyey cunaqabatayntii saarnayd Eriteriya ka dib markii lagu eedeeyay Eriteria inay sii wado taageerada ay siiso Alshabaab.

Go’aanka Golaha Ammaanka ayaa ka doonaysa shirkadaha macdanta ee ka shaqeeya Eritariya inay hubiyaan in lacagtooda aan loo isticmaalin in lagu qal qal galiyo amanka gobolka.

Golaha wuxuu dhageystay warbixin ku saabsan Eritrea madaxda dalalka Soomaalia. Sheekh Shariif, Jabuuti. Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Meles Zenawi iyo saraakiil ka socday Kenya iyo Uganda, kuwaasoo warbixintooda ugudbiyay iyagoo ku sugan Addis Abab, waxayna dalbadeen in cunno-qabteynta laga dhigo mid ka adag tii la saaray sannadkii 2009.

Labasano ka hor Golaha Ammaanka ayaa cuna qabatayn ku soo rogay Eritariya oo ay ku jirto cunaqabataynta hubka.