Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan muddo dheer qaatay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya

Ra'iisul_wasaare_01222

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan waqti dheer qaatay la yeeshay maanta ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalegn.

Kulanka labada ra’iisul wasaare oo ahaa mid labadooda u gooni ah ayay uga hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxayna kulankooda ku tilmaameen mid taariikhi ah, waji cusubna u furaya xiriirka labada waddan u dhexeeya, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia uu dhiggiisa ugu hambalyeeyay qabashada jagada guddoonka ururka Midowga Afrika oo dhawaan uu la wareegi doono.

“Mudane ra’iisul wasaare waxaan kuugu hambalyaynayaa fursaddan aad u heshay inaad qabato jagada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid. Isagoo intaas ku daray inay tahay mas’uuliyad weyn oo uu u qabanayo Afrika oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo si diirran u soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mar kasta garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay yeelatay madax aad ugu ammaanan sida ay uga go’an tahay inay dalka Soomaaliya xasiliyaan dibna u soo dhisaan. Isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad hal-abuur leh oo waqti yar gudihiis kaga soo kaban kara dhibkii soo maray kana qaybqaadan kara horumarka caalamku uu ku tallaabsaday.
“Soomaalidu waa dad hal-abuur leh kuna fiican ganacsiga, waqti sidaas u sii dheer kuma qaadanayso inay dib u soo kabtaan, dalkooda dhisaan, dunidana tartan la galaan. Waana ku faraxsanahay ra’iisul wasaare in xukuumaddaadu hormuud ka tahay Soomaaliyada cusub,” ayuu Daselegn hadlakiisa ku daray.

Ra’iisul wasaarayaasha ayaa sidoo kale kawada xaajooday arrimaha gobolka iyo kaalinta urur goboleedka IGAD uu kaga jiro. Iyagoo isla falanqeeyay xaallada sugidda ammaanka Soomaaliya iyo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay ka qaateen. Waxayna isku af-garteen in dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab uu muhiimadda koowaad kaga jiro qorshaha labada dal; maadaama ay caqabad ku yihiin nabadda iyo horumarka ay hig-sanayaan shacabka ku nool labada dal.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay madax kale oo Afrikaan ah, kuwaasoo uu ku jiray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia ku wehlinaya safarkiisan wasiirada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, gaashaandhigga, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo xubno kale.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay berri u dhoofi doonaan dalka Uganda oo qayb ka ah dalalka uu booqanayo, waxaana uu uga sii gudbi doonaan dalka Burundi, waxaana dalalka uu marayo oo dhan ka jooga Soomaaliya ciidammo gacan siinaya dowladda Soomaaliya.
Ra'iisul_wasaare_01

Northern Ireland boss Michael O’Neill wants Russia game in May

sport snow 1_66580275_pe_00323139

Fifa might be called on to choose a new date for the Northern Ireland v Russia World Cup qualifier – if the two nations cannot reach an agreement.
This weekend’s match in Belfast was twice postponed because of snow.
Northern Ireland manager Michael O’Neill wants the rearranged game to take place in May – as soon as possible after the British domestic season ends.
Russia face Portugal on 7 June and seem keen to fit in a trip to Belfast after that to make a Group F double header.
But the Irish Football Association is against scheduling the game several weeks after the end of the British season, when NI players will have been out of full-time training and may have holidays booked.
An international date also exists on 14 August, but Russia have already agreed to face Argentina in a friendly.
Northern Ireland manager Michael O’Neill has suggested slotting in a fixture at the end of May, but the most likely date in that window – 31 May – falls the day before key man Jonny Evans’ wedding.
Negotiations will not take place until after Northern Ireland’s match against Israel on Tuesday.
“When we come to talk about the new date, I will have to take into account that a game in June is well after the players’ club season is over,” said O’Neill.
“If we play on one of the international dates in June that could be four to six weeks since the players were in regular football – well into their summer break. That would not be ideal.
“August is also an option but it would mean Russia cancelling their planned friendly with Argentina and I am not sure they would be willing to do that.
“If possible, I am going for a date in May as close to the end of the season as possible.”

Wasiiradda Wasaaradda Hormarinta iyo Addeega Bulshada Dowladda Somalia oo kusoo laabatay Muqdisho

Wasiirka horumarinta iyo addeega bulshada ee xukuumadda Soomaliya, Drs. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay kaddib markii laba toddobaad socdaallo shaqo ay kusoo kala bixisay bixisay dalalka Denmark iyo Ingiriiska.

Wasiirradda iyo wafdigeeda ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde wasiirro uu horkacayay Wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed, agaasimayaal iyo dadweyne badan oo garoonka uga hor-tagay.

“Muddadii aan safarka ku marayay dalalka Denmark iyo Ingriiska waxaan la soo kulmay madaxda dalalkaas anigoo kala hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen waxbarashada Soomaaliya,” ayay tiri wasiiradda oo intaa ku dartay: “Waxaa inoo suurogashay inaan ku guuleysanno iinay gacan naga siiyaan sidi aan waxbarasho la’aan ah ugu heli lahayn hal milyan oo arday Soomaaliyeed ah.”

Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay inay ka qayb-gashay kulan looga hadlay arrimaha tacliinta sare oo ay la qaadatay madaxdii kasoo qayb-galay kulankaas oo ahaa mid caalami ah.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay inay balan-qaad ka heshay mas’uuliyiintii ay kulamada lasoo qaadatay; iyagoo u ballan-qaaday inay si buuxdo dowladda Soomaaliya uga tageerayaan dhinaca waxbarashada.

Wafdi uu Hoggaaminayo Shiikh Axmed Madoobe oo Maanta Gaaray Degmada Kismaayo ee Jubbada Hoose

Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha maamulka KMG ee degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoona kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehlinayay afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar taliyaha ciidamada guutada 1-aad ee gobolka Gedo Col Cabaas Ibraahim Gureey, afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Col Warfaa Sheekh Aadan iyo Saraakiil kale, waxaana markii uu wafdigu soo gaaray garoonka magaalada Kismaayo si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).

Sheekh Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in maalmo kadib uu dib ugu soo laabto magaalada, isagoona sheegay in ay si guul ah ugu soo dhamaadeen howlihii ay u tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuulkani ayaa sheegay in muhiimada howlaha ay u aadeen halkaasi ay ahayd arinta shirka maamul u sameynta Jubooyinka, wuxuuna xusay in arimahaasi oo dhan ay usoo dhamaadeen ayna filayaan in shirka laga guul gaaro.
Sidoo kale Afhayeenka maamulka KMG ee Kismaayo oo isna meesha ka hadlay ayaa sheegay in howlihii ay u aadeen dalka Kenya ay si weyn ugu soo dhamaadeen, wuxuuna intaa ku daray in dhawaan ay magaalada kusoo dhaweyn doonaan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kaasoo uu xusay in ay rajeynayaan in ay ka qeybqaadan doonaan dadaallada ka socda magaalada Kismaayo ee la doonayo in maamul loogu dhiso gobollada Jubooyinka.

Imaatinka wafdigan ka soca dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada Isniinta ee fooda nagu soo heyso la filayo in magaalada Kismaayo ay soo gaaraan wafdi uu hogaaminayo ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).