Madaxweynaha KGS Oo Ku Baaqey In Xildhibaanada 2016 Lagu Soo Xulo Nidaamka 4.5

14-Dec-2015-Madaxweynaha  Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in xildhibaanka 2016 lagu soo xulo nidaam beeleedka 4.5, isaga oo ka digay in wax lagu qeybiyo qaabka degmooyinka.

Waxa uu sheegay in nidaamka 4.5 uu yahay mid kaliya ee xilligaan la joogo Soomaalida wax ku qeybsan karto, waxaana uu sheegay in qaabka degmada dhibaato badan ay ka imaan karto.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in nidaam beeleedkani muddo badan lagu soo dhaqmayay dowlado badanna lagu soo dhisay, Soomaalidana hadda isku fahmi karto, balse hadii nidaamkaasi laga gudbo laga yaabo inay imaato dood ah in dad laga tagay ama wax la mid ah.

“Waxaan aaminsanahay jidka maanta aan ku soconno in uu noo wanaagsan yahay, dadka ayaa ku heshiiyay, dowlado badan baa lagu dhisay, laakiinse hadii xisaabaad kale dadka la geliyo dhibaato kale baa imaan karta, waxa hadda lagu siman yahay waa baarlamaanka, saraakiisha, safaaradaha iyo shaqooyinka kale laguma sinna, laakiinse intii lagu sinnaa hadii la dhaho si kale baa loo qeybinayaa waxa ka imaan kara waad ogtihiin” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Degmooyinka hadii la dhaho waxaan ogahay in dad hadda baarlamaanka ku jira oo aan hadhow wax heli doonin baa dhacaya, bal ka waran qof hadda xildhibaan ah, hadii la dhaho waxbo meesha kuma lehdiin” ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif Xasan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka madasha wadatashiga qaran ee geeddi socodka doorashada 2016-ka, kaasi oo Laba maalin socon doona.

Xog & Gorfeyn: Maxaa laga filan karaa Shirka wadatashi ee ka socda Muqdisho

14-Dec-2015- Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda haatan dhisan ayaa waxa u bilowday Shir ay kaga doodayaan Nidaamka Dowladeed ee la dhisi doono iyo Qaabka lagu soo dooran karo.

Shirka Wada-tashiga Qaranka ayaana ah bilow aad u wanaagsan, maadaama ay Hoggaamiyayaasha Heerka Qaran iyo kuwa Heerka Gobal hal madal kaga tashanayaan Nidaamka lagu hagi doono Qaranka marka la gaaro bisha August ee sannadka soo socda.

Madaxda waxaa u cad Hir Siyaasadeed iyo Damac Khaas ah, waxayna si il-duufsi leh u hareer marayaan arrimaha Asaaska u ah Ka-hadalka Qoddobkaasi.

Xaqiiq ahaan, Shirar ujeedo badan ah ayaa ka kala socda magaalladda Muqdisho iyo caasimadda dalka Jabuuti, iyadoo Shirka Muqdisho diiradda lagu saarayo Nidaamka Doorashadda iyo Qaabka Dowladda soo socota, halka Shirka Jabuutina lagu eegayo Saami-qeybsiga Kheyraadka dalka.

Carabta waxay ku maahmaahdaa qofkii hal mar isku fuulo labo faras dubarka ayuu ka waaxmaa, taasi waxaa la mid ah Shirarka ka kala socda Muqdisho iyo Jabuuti oo mid yahay Waaqiciga Taagan iyo mid Mustaqbal aan la gaarin, oo u eg sidii Sheekadii Lacalla.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in loo baahan yahay in marka hore Xal-dhexe laga gaaro Nidaamka Dowladda iyo Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka, markaasi kadib in laga fekero Ajendayaasha muhiimka ah, iyadoo Qorshaha Kheyraad-qeybsiga imaan karo marka la helo Somali Nabad ah, mideysan oo isku Mowqif ah.

Qoddobadda haatan miisaanka saaran ayaa ah Nidaamka ay noqon doonto Dowladda soo socota iyo qaabka ay Doorashaddu u dhacayo.

Dhowr Kala-doorasho (Options) ayaa miiska saaran si la isugu raaco Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka, waxayna Madaxdu kala taageersan yihiin in Nidaamka Doorashadda noqoto:

Doorasho Nidaamka Awood-qeybsiga haatan jira ee 4.5 ama
Doorashadda Degmooyinkii jiray Xilligii Dowladda Kacaanka.

Xaqiiq ahaan, Labadaasi Ra’yi ayaa lagu kala dhegan yahay, inkastoo loo badan yahay in lagu sii dhaqmo Nidaamka ay Dowladda Federalka iyo Dowladihii KMG ku dhisnaayeen ee 4.5

Nidaamkaasi waxa uu dhiig-joojin u ahaa Daruufihii xilligaas lagu sugnaa, inkastoo weli ay jirto baahida khasbayso in lagu sii tisqaado Nidaamka 4.5.

Xaqiiq ahaan, Nidaamkaasi waxaa loo qaatay si Xal loogu helo Khilaafyadda Ummadda kala gaaray, waxayna Nidaamka 4.5 qeyb ka tahay Tallaabooyinka Dib-u-heshiisinta iyo Dib-u-mideynta Beelaha Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxay u muuqdaan inay culayska ugu muhiimsan saareen Nidaamka Doorashadda, balse uma muuqdaan kuwo ka hadlayo Dedejinta Maamul-gobaleedyadda dhismi doono, Aqoonsiga kuwa weli magac ahaanta u taagan iyo sidii loo wajahi lahaa in Walaalaha Somaliland laga gar baxo, laga raalli-geliyo Qoddobadda ay gocanayaan, kadibna lagu sharfo inay Kaalintooda ka qaataan Waayaha Soomaalida cusub, Federalismka iyo Midnimadda Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa habboon in aysan Madaxda Qaranka iyo kuwa Heerka Gobalka waqtiga ku luminin inay wada laacaan Doodaha ku aadan Figta Sare ee Nidaamka doorashadda oo keliya, balse waa in la tixgeliyo Taabagelinta Maamul-gobaleedyadda dhismayo iyo Maslaxadda Dhamaystiran ee Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Xaalada magaalada Beledweyn oo saaka degan, kadib dagaalkii shalay

14-Dec-2015-Xaalada magaalada Beledweyn ayaa saaka degan, kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay xaafada Howl-wadaag, kaasoo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo dega galbeedka magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa ku howlan, sidii dagaalka loo joojin lahaa, waxaana dadaalada nabadeed horkacay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Guddi odayaal ah u saaray joojinta colaada.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeya ugu baaqay inay colaada joojiyaan, ayna u turaan shacabka, waxaana dadaalada nabadeed qeyb ka ah odayaasha labada maleeshiyo dagaalamaya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadaalada lagu joojinayo dagaalka ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyn, inkastoo aanay jirin ciidamo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii dagaalamayay.

Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay ay ahaayeen dad rayid ah oo xaafadahooda rasaas wiifto ugu tageen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyn, waxaana dagaalada ku soo noq noqday magaalada ay salka ku hayaan dilal ka dhacay galbeedka magaalada

Madaxweyne Xasan”Wada-tashigu waa Fursadda Mustaqbalka Siyaasadeed ee Dalka”

14-Dec-2015-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo si rasmi ah Muqdisho uga furey Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadka 2016-ka, ayaa sheegay in madashani ay fusad u tahay shacabka Soomaaliyeed si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda siyaasadeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galay madaxda maamul-goboleedyada dalka sida; Jubballand, Galmudug, Puntland, Koonfuur Galbeed Somalia iyo xubno ka socday gobollada Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Ururrada Bulshada Rayidka, Wakiillada Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

“Madasha Wada-tashiga Qaran waa mid muhiim u ah taariikhdeenna Dowlad-dhisidda ee aan mudada soo wadnay. Waxaan idiin sheegayaa in ka hor inta aanan halkan imaan, aniga iyo madaxda maamullada dalka aan muddo saddex maalmood ah ku jirnay wadatashiyo adag oo aan ku gorfeyneyno mustaqbalka siyaasadeed ee dalkeenna. Maantana waxaan u joognaa halkan inaan aaraadiina dhegeysanno, talo isku darsano, aan faaqidno tallooyinkii laga soo uruuriyay shacabka labadii bil ee la soo dhaafay, ugu dambeytiina aan qaadanno talo mid ah,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha DFS ayaa intaa ku darey in loo baahan yahay in kulammada noocaan ah ay noqdaan kuwo abuuraya rajo cusub oo Soomaali ay leedahay, aakhirkana horseedi kara inaan dib cagaheena isku taagno, aana soo dhisno nidaam dowladeed oo sal adag, kuna dhisan nabad, caddaalad iyo weliba horumar.

“Inagoo wadajirna ayaan horumar ku gaari karnaa. Waddankeenna dhibaatooyin badan oo xanuun badan ayuu soo maray. Ma dooneyno in xusuusta murugada leh aan ku saleyno mustaqbalkeenna. Waxaan u baahan nahay inaan la imaanno is-cafin, wada-noolaansho iyo inaan abuurno jawi nabadeed oo cabsida iyo kala aamin baxa nagu jira naga saara. Waa dhab inaan wajahayno ama dhamaanteen aan wada doonayno inaan qaadano nidaam cusub oo siyaasadeed oo aan horay loo tijaabin. Waa inaan cabsida iyo shakiga meel iska saarnaa, geesinimana aan ku wajahno mustaqbalkeenna, waana hubaal inaan guuleysanayno, inagoo ah ummad wadajirta,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in hannaankan socda uu yahay mid Soomaali leedahay, talo Soomaaliyeedna lagu shaqeynayo, loona baahan yahay in laga wada faa’iideysto.

“Beesha Caalamka iyo dalalka kale ee ina taageeraya kaalintooda waa fududeyn. Talada gacanteena ayay ku jirtaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan ku gaarno talo Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in gobollada kala duwan ee dalka ay ka dhacaan shirar wadatashi oo shacabka fikirkooda lagu dhegeysanayo. Waana taa tan lagu dhisi karo hannaan dimuqraa-diyadeed oo talada ay shacabka leeyihiin. Waa Ilaahay mahaddii in safar dheer kaddib aan maanta soo gaarnay meel aad muhiim u ah oo shacabkeena ay mustaqbalkooda ku go’aam-inayaan, talana ay ku leeyihiin,’’ ayuu Xasan Sheekh khudbaddiisa ku yiri.

Madaxweynaha Somalia ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta ay ka qaadatay fududeynta wada-tashiyadan muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Somalia, isagoo dhanka kalena ka codsadey shacabka Soomaaliyeed inay sida saxda ah uga faa’iideystaan taageerada Beesha Caalamka ee dalkeena dib loogu dhisayo.

Ugu dambeyn, shirka ayaa waxaa kaloo khudbado ka jeediyay guddoomiyaha baarlamanka FS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Odawaa, madaxda maamul goboleedyada dalka, dublamaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.