Gudoomiye Maxkamadeed oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

11-Nov-2015-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Degmada Yaaqshiid, ay ku toogteen Sheekh Xuseen Maxamed Cali oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge goobta dilka ku sugnaa ayaa sheegay in Kooxaha falkaasi Dilka ahaa geystay ay isaga baxsadeen goobta iyadoona halkaasi ay gaareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Lama sheegin ilaa hada tirada howgalladaasi ay Ciidamada Dowladda ku soo qab qabteen inkastoo wararka ay sheegayaan in Dableyda Weerarkaasi fulisay ay baxsadeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Gudoomiyihii Maxkamadda Degmada Dharkiinley, oo horey kaga soo shaqeeyay Waaxda Garsoorka ee Degmada Yaaqshiid.

download

Gudoomiye guudlaawe oo boqolaal dadweyne salaadii ciida kula tukaday Magaalad Jowhar

Jimco Sep 25, 2015___Gudoomiyaha Maamulka gobolka shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdulaahi xuseen (guudlaawe) iyo Masuuliyiin kale oo maamulka katirsan ayaa saakay salaadii ciida carafo kula tukaday boqolaal dadweyne masjidka carabta ee kuyaala xaafada horseed ee magaalada jowhar.
Gudoomiyaha ayaa ugu hambalyeeyay Umada Islaamka Gaar ahaan Umada Soomaaliyeed Munaasabada Ciida Carfao, waxa uuna Gudoomiyaha ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Shabeelaha Dhaxein ay is qabsadana kana shaqeeyaan nabada iyo Horamarka dalka.
Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen (guudlaawe) ayaa sidoo kale munaasabada Ciida Owgeed waxa uu lacago ugu deeqay Dhismaha Duqsi Quraan laga hirgalinayay Magaalada Jowhar, waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha lacago ugu deeqay Imaamka iyo mu’adinka Masaajidka Carabta ee Magaalada Jowhar.
 

Taliyaha Ciidanka iyo Abaanduulaha oo lagu hordhaariyay Madaxweynaha Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hortiisa lagu dhaariyey Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Xafladda dhaarta oo ka dhacdey xarunta Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Cadowga nabad diidka ah waxaa la gaarsiiyey jab xooggan, taana waxaa abaalkeeda leh ciidammada Xoogga Dalka oo garabsanaya AMISOM. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’ideysataan horumarka ay sameeyeen taliyeyaasha idinka horeeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidanka iyo inaad waddanka u horseeddaan inuu nabad buuxda gaaro’’, ayu yiri Madaxweynaha.

Xafladda dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

hord_1

hord_2

hord_3

hord_4