Qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo Xalay ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee Wadnka Kenya kuwaas oo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo Police ah.

Wararkii xalay soo baxayay ayaa sheegayay in Qaraxyadaas ay ku dhaawacmeen 3 Sargaal oo katirsan Ciidamada Policeka ee ka howl gala Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi,balse Afhayeen u hadlay Ciidamada Police-ka ayaa sheegay in Qaraxyadaas uu ku dhaawac may Hal Sarkaal.

Afhayeenka Ciidamada Police-ka Dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa Wakaaladda Wararka Reuters usheegay in Qaraxyadaasi oo labo ahaa ay ka dhaceen Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi,waxaana uu sheegay in dhaawac ka soo gaaray Sargaal ka tirsan Ciidamada Police-ka Kenya.

Majirto ilaa hada Cid si cad u sheegatay Qaraxyadaasi balse Policeka Kenya ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan Cidii ka dambeysay qaraxyadaas ka dhacay Xaafada islii ee Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Shaqaalaha dowladda uusan wax saameyn ku yeelanayn isbedelka dhacay

Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu jeediyay kaddib markii uu shalay socod kusoo kala bixiyay xafiisyada madaxtooyada iyo xafiisyada wasaaradaha dowladda, isagoo ay weheliyeen madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

“Waxaan rabaa inaan halka ka caddeeyo in isbedelka dhinaca madaxda ah ee dhacay aysan wax saameyn ku yeelanayn shaqaalaha dowladda. sidii hore ayaad u shaqeynaysaan, qofkii la yimaada wax lagu bedelo ayaa la bedeli doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha dowladda u sheegay inasy markii hore u shaqeynayn Shariif, balse ay Qaranka u shaqeynayeen maantana ay sidii oo kale Qaranka ugu shaqeynayaan, isagoo meesha ka saaray in shaqaalaha dowladda la eryi karo.

“Haddii shaqaale meel laga bedelo meel kale ayaa loo bedelayaa, shaqaaalaha dowladda xuquuq ayay leeyihiin lamana eryi karo,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ku boorriyay shaqaalaha dowladda inay howlahooda dardar-geliyaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa madaxtooyada ay dhibaatooyin badan soo mareen, aysanna guryahooda aadin muddo sannado ah.

Shariif Sheekh ayaa lagu wadaa inuu wareejiyo xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxaana loo adkaaday wareeggii ugu dambeeyay doorashadii madaxnimo ee dalka oo ay ku tartameen madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud.

C/weli Gaas oo Gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo.

C/weli Gaas ayaa buuxiyay dhamaan shuruudihii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka.

Kadib markuu u gudbiyay Gudiga Doorashada Cabdiweli ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta golaha shacabka oo aheyd xaruntii la geynayay Araajida Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii Gaas ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Waxbarashada, Shaqo la’aanta, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada.

Augustine Mahiga oo Kordhiyay Tirada Baarlamaanka Cusub

isniin 23 july 2012 ( Royal TV )Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa goordhow magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in tirada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la kordhiyey kadib markii uu codsi ka yimid odayaasha dhaqanka.
“Waxaad iga codsateen in tirada baarlamaanka cusub oo ahayd 225 laga dhigo 275, waxaana idiin xaqiijinayaa in codsigaasi la aqbalay” ayuu yiri Auguistine Mahiga oo goordhow khudbad u jeediyey odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho.
Mahiga wuxuu odayaasha ku dhaliilay inay kaalintooda ka soo bixi waayeen kadib markii, sida uu hadalka u dhigay ay ku fashilmeen hawshii loo igmaday ee ahaa inay soo qoraan liiska odayaasha dhaqanka iyo kan ergada shirka dastuurka uga qeybgaleysa.
“Odayaasha waxaan u dirsanay inay soo qoraan liiska 135 oday iyo liiska ergooyinka ka qeybgalaya shirka dastuuriga laakiin haddii aan si DAACADNIMO ah idiinla hadlo odauyaashu way ku fashilmeen shaqadooda” ayuu yiri Mahiga oo hadal u jeedinayay odayaasha dhaqanka.
Kordhinta baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya loo sameynayo bisha Agoosto 2012 ayaa imaaneysa xilli raysul wasaaraha xukuumadda KMG C/weli Gaas uu dhowaan ka biyo diiday in tirada baarlamaanka la kordhiyo, taasoo aan la ogeyn sida hadda raysul wasaaruhu u aqbali doono kordhinta xubnaha baarlamaanka ee uu ku dhawaaqay Mahiga.
Sida ku xusan heshiiskii Garowe 1, Garowe 2 iyo isfahamkii Gaalkacyo ee dhexmaray lixda nin ee saxiixayaasha waxaa la sameyn doonaa baarlamaan ka kooban 225 xubnood halka uu jiri doono aqal labaad oo ka kooban 50 xubnood, laakiin qorshaha heshiiskaasi ayaa hadda isbedel uu ku imaanayaa waxaana kordhi doona tirada baarlamaanka oo noqon doona 275 xubnood, sida uu maanta shaaciyey wakiilka Qaramada Midoobay.