Madaxa Xafiiska Qarammada Midoobay ee UNSOM oo Maanta safarkiisii ugu Horreeyay ku tagay Magaalada Hargeysa

Mr_Kay_FP Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay iyo xubno la socday ayaa maanta tagay Hargeysa si uu kulammo ula yeesho madaxda Somailland oo uu ugu horreeyo Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynaha maamulka Somaliland.

Booqashada uu ergaygu ku tagay Hargeysa ayaa noqonaysa tii ugu horreysay tan iyo markii xilkan uu la wareegay hoggaantii bishan Juun, wuxuuna xilligaas sheegay in Hargeysa ay ka mid tahay goobaha ay ka furan doonaan xafiisyada.

“Waxaan Hargeysa u imid xilli aad u horreeya oo ka mid ah wakhtiga ay shaqadaydu billaabantay si aan u muujiyo in Qaramada Midoobay ay taageerayso himilooyinka nabadda iyo barwaaqada,” ayuu Kay yiri markii uu Hargeysa ka dagay saakay oo Khamiis ah.

Wakiilku wuxuu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, iyadoo lagu wado inuu caawa fiidkii kulankiisii ugu horreeyay la yeesho madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanayo.

“Somaliland waa jasiirad nabdoon oo xasiloon oo ku taalla gobol aan xasiloonayn, waxaan rumaysanahay inay jiraan casharo laga baran karo halkan oo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa. Sidaas daraadeed, waxanu halkan u nimid inaanu wax ka-baranno isla markaana taageerno hindiseyaal horseedaya nabad waaarta, xasilooni iyo barwaaqo,” ayuu hadalkiisaa ku daray.

Hawsha loo igmaday UNSOM waa inay gacan ka gaysato dhismaha awoodda wax-qabad ee Qaranka, adkaynta nabadda, iyadoo ahmiyadda la siinayo maamul-wanaagga, dibuhabeynta hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadamaha, dhex-dhexaadinta wada-xaajoodyada iyo isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah.

Ergayga Qaramada Midoobay wuxu yidhi: “Waanu ka warqabnaa dadaalka Somaliland ee la xiriira xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda iyo meel-marinta dimuqraadiyadda iyadoo Somaliland qabatay doorashooyin soo noqnoqday. Sidoo kale waxaan ka warqabnaa inay jiraan caqabado la xiriira nidaamka cadaaladda iyo hay’adaha quseeya iyo weliba xeerka dhaqanka ee la xiriira, waxanu diyaar u nahay inaanu taageero ka gaysano sii xoojinta ku dhaqanka sharciga.”

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in UNSOM ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wada-hadallada Somalia iyo Somaliland. “Booqashadani waxay hordhac u tahay booqashooyin badan oo aan Somaliland ku imaan doono waxaana iga go’an wada-shaqayn miro-dhal ah. Xafiiska Hargeysa wuxuu xiriir hor leh la yeelan doonaa maamulka iyo bulshada rayidka ah si loogu kuur-galo meelaha la iska kaashan karno

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan muddo dheer qaatay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya

Ra'iisul_wasaare_01222

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan waqti dheer qaatay la yeeshay maanta ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalegn.

Kulanka labada ra’iisul wasaare oo ahaa mid labadooda u gooni ah ayay uga hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, waxayna kulankooda ku tilmaameen mid taariikhi ah, waji cusubna u furaya xiriirka labada waddan u dhexeeya, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia uu dhiggiisa ugu hambalyeeyay qabashada jagada guddoonka ururka Midowga Afrika oo dhawaan uu la wareegi doono.

“Mudane ra’iisul wasaare waxaan kuugu hambalyaynayaa fursaddan aad u heshay inaad qabato jagada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid. Isagoo intaas ku daray inay tahay mas’uuliyad weyn oo uu u qabanayo Afrika oo dhan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo si diirran u soo dhaweeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay mar kasta garab-taagan tahay dowladda Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay yeelatay madax aad ugu ammaanan sida ay uga go’an tahay inay dalka Soomaaliya xasiliyaan dibna u soo dhisaan. Isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad hal-abuur leh oo waqti yar gudihiis kaga soo kaban kara dhibkii soo maray kana qaybqaadan kara horumarka caalamku uu ku tallaabsaday.
“Soomaalidu waa dad hal-abuur leh kuna fiican ganacsiga, waqti sidaas u sii dheer kuma qaadanayso inay dib u soo kabtaan, dalkooda dhisaan, dunidana tartan la galaan. Waana ku faraxsanahay ra’iisul wasaare in xukuumaddaadu hormuud ka tahay Soomaaliyada cusub,” ayuu Daselegn hadlakiisa ku daray.

Ra’iisul wasaarayaasha ayaa sidoo kale kawada xaajooday arrimaha gobolka iyo kaalinta urur goboleedka IGAD uu kaga jiro. Iyagoo isla falanqeeyay xaallada sugidda ammaanka Soomaaliya iyo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay ka qaateen. Waxayna isku af-garteen in dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab uu muhiimadda koowaad kaga jiro qorshaha labada dal; maadaama ay caqabad ku yihiin nabadda iyo horumarka ay hig-sanayaan shacabka ku nool labada dal.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay madax kale oo Afrikaan ah, kuwaasoo uu ku jiray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ra’iisul wasaaraha Somalia ku wehlinaya safarkiisan wasiirada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, gaashaandhigga, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo xubno kale.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay berri u dhoofi doonaan dalka Uganda oo qayb ka ah dalalka uu booqanayo, waxaana uu uga sii gudbi doonaan dalka Burundi, waxaana dalalka uu marayo oo dhan ka jooga Soomaaliya ciidammo gacan siinaya dowladda Soomaaliya.
Ra'iisul_wasaare_01

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub iyo Ingiriiska (SAWIRRO)

raisal wasaare iyo turkiRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michal Caravan, safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mark Boucher iyo wakiil ka socda safaaradda Faransiiska ee Kenya.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wakiilka midowga Yurub ayaa waxay kaga hadleen waxyaabihii kusoo qaadeen kulankooda, iyagoo sheegay inay si wanaagsan isku afgarteen.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ay nagu soo booqdaan Muqdisho wafti ka socda Midowga Yurub, mana ahan markii ugu horreysay oo ay dalka yimaadaan, waxayna na-tuseen sida ay ugu heellan yihiin sidii Soomaaliya wax loola qaban lahaa loona xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yuruba, waxay sidoo kale noo muujiyeen inay aad ula dhacsan yihiin siyaasadda dowladda oo ah in laga dhabeeyo isbadalka ay dowladu balan-qaaday kaasoo ku salaysan wadatashi,” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in kulankaan calaamad u yahay sida caalamka uga go’an tahay is-garab- taaga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, wakiilka Midowga Yurub oo isna saxaafadda la hadalay ayaa ka warbixiyey kulankii ay la qaateen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

“Waxaan isla soo qaadnay sidii Midowga Yurub iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa amniga, dhaqaalaha iyo hormarinta siyaasada dowladda, “ ayuu yiri Caravan, isagoo dhanka kale sheegay in Midowga Yurub ay diyaar la yihiin inay mudnaanta koowaad siiyaan in dowaldda laga taageero waxyaalaha dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay.

Ugu dambeyn safiirka boqrtooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Mark Boucher ayaa uga mahad-celiyey dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay inay ka wadahadleen madaxda dalka sidii loo taageeri lahaa amniga, cadaaladda iyo maamulka dhaqaalaha.

Gabagbadii hadalkiisa ayuu ku sheegay in waxyaabihii ay kala hadaleen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ahaayeen ay dhamaantood isku afgarteen; isagoo sheegay inay maanta muuqato fursad Soomaaliya wax loogu qaban karo.